Somali: Miyaad ku cusub tahay xaafada?
Sidan ayaad u kala qaybinaysaa qasinka hadaad degan tahay kamuunadan Ringsaker, Hamar, Stange iyo Løten kommune.
Ku soo dhawaaw macmiil u ahaanshaha shirkada qashin qaadka ee Sirkula IKS oo qaadi doonta qashinkiina.
Qashinka aad daadisaan waxa loo isticmaali doonaa in laga sameeyo waxyaalo cusub oo kale. Sidaas daraadeed ayaan waxa aynu sameenaa in aynu u kala qaybino qashinka qaybo kala duwan. Tusaale ahaan waraaqaha la tuuro warqado cusub ayaa laga sameeyaa halka quraaradahana quraarado kale laga sameeyo, daasadana waxa iyagana laga sameeyaa daasado cusub ama tusaale ahaan baaskeel ayaa laga sameeyaa daasadaha. Iyada oo dib loo isticmaalo khayraadka qashinka ayaa waxa ay fursad inoo siinaysaa in aynu kayd ahaan u sii haysano khayraadka dhulka ee weli aan la soo saarin, taasina faa`iido ayaa inaga iyo weliba jiilasha danbe inoogu wada jira.
Shirakda Sirkula ayaa qaabilsan oo ka shaqeesa qashinka guryaha ee kamuunada Ringsaker, Hamar, Stange iyo Løten. Dadka degan kamuunadaas waxa ay u bixiyaan lacagta qashin qaadka sanadle ahaan. Lacagtaas waxa lagu sameeyaa:
Qashin qaadista guryaha
Waxa la qaadi shan nooc oo qashinka guryaha ah: qashinka cuntada, bacaha, waraaqaha, isku-dhex jira iyo quraaradaha/ birta.
Daaradiina waxa ooli doona tanagyo qashin oo kala duwan. Tanagyadaa waxa leh oo dayactirta shirkada Sirkula, waxaana u ooli doonaan daaradaada. Haddii aad degan tahay dhisme reero kale aad la wadaagtid ama guri dabaq dheer ah waxa jiri doona tanagyo qashin oo aad jaarka wadaagtaan.
Tanagyada qashinka ee la dhigo waxa ay leeyihiin midabo kala duwan, waxa aana dusha kaga qoran noocyada qashinka lagu ridi karo tanag kasta. Waxa kale oo jira bac weyn oo iyada lagu ridi doono qashinka bacaha.
Afar tanag qashin iyo bac weyn ayaa ah kuwa lagu ururiyo qashinka guryaha fiilooyinka.
Tanagyada iyo bacda waxa qashinka laga shubaa xiliyo kala duwan:
- Qashinka cuntada (daboolka buniga ah) waxa la qaadaa hal mar 2-dii isbuucba.
- Bacaha (bacda weyn), warqadaha (daboolka buluuga ah), iyo qashinka isku jira (daboolka cawlan) waxa la qaadaa hal mar 4-tii isbuucba.
- Quraaradaha iyo birta waxa la qaadaa hal mar 8-dii isbuucba.
Tanagyada iyo bacda waxa la sii diyaariyaa habeenka ka horeeya maalinta qashin qaadista.
Qashinka ka hara cuntada waa in lagu rido bacaha buniga ah intaanan lagu ridin tanaga qashinka ee daboolka buniga ah leh. Xasuuso in aad si wacan u gunudid bacda.
Sidan ayaad ku soo qaadan kartaa bacaha cuntada ama bacda
Marka ay kaa dhamaadaan bacaha lagu uruursho bacaha, waxa aad sameenaysaa in aad dhinac kaga xirtid tanaga qashinka bac caadi ah si aad u ogaysiisid qashin qaadaha in bacdii kaa dhamaatay ka hor maalmaha qashinnka la qaado (bacda aad dhinaca kaga xiraysid tanaga waa kuwa dukaanka lagaga soo adeegto iwm). Qashin qaaduuhu isaga ayaa ku siin doona baco qashin oo cusub marka uu qashinka qaadayo. Xasuuso in aad bacda ka furtid tanaga dhiniciisa marka bacaha lagu siiyo.
Waxaad helaysa baco cusub oo loogu talagalay palastika iyo cuntada hadhagga ah, waxaanad ka heleysa meesha qashinka lagu tuuro iyo xafiiska kommunka.
Qashin geynta rugta qashin dib habeenta
Rugaha qashin lagu daadsho ee shaqaaluhu ka shaqeeyaan waxa xiliyada ay furan tahay geyn kartaa dhamaan noocyada qashinka ee kala duwan marka laga reebo qashinka cuntada la daadsho. Gaar ahaan aad ayay muhiim u sii tahay in aad goobtaas geysid qashinka khatarta ah si qashinkaas aanu dhaawac u gaarsiin caafimaadkeena iiyo weliba fayadhawrka deegaanka. Qashinka khatarta ah waxa ka mid ah tusaale ahaan baytariyada, guluubada, rinjiga, gaasta, saliida, sunta cayayaanka, moobiilada, xadhkaha korontada, alaabada elektarooniga ah iyo alaabaooyinka kale ee korontada isticmaala.
Alaabta khatarta ah ku istimcal boggoska cas.
Waa bilash in aad ku soo dadisid meelaha qashinka loogu daadiyo wixi alab ah oo soo dadinaysid, laakin qashinka cadiga ah ee guriga waa lacag. Qiimaha ka eego sirkula.no
Waa inaad istimcaashid bac muuqata markaad qashinka caadiga ah ku soo dadinaysid meelaha qashinka lagu daadiyo. Bacahas waxad ka iibsan karta tukamada iyo Sirkula.
Cinwaanka goobahaas:
- Kretsløpsparken gjenvinningsstasjon, Arnkvernvegen 169, Hamar
- Brumunddal gjenvinningsstasjon, Jemtlandsvegen 11, Brumunddal
- Moelv gjenvinningsstasjon, Industrivegen 14, Moelv
- Stange gjenvinningsstasjon, Hansrudvegen 1, Stange
- Heggvin gjenvinningsstasjon og avfallsanlegg, Arnsetvegen 41, Vang på Hedmarken
- Sirkula administrasjon, Arnkvernvegen 169, Hamar
Xiliyada la furo rugta dib u habeenta (daadinta) qashinka waxa aad ka eegi kartaa www.sirkula.no
Waad ku mahadsan tahay in aad qashinka kala soocdid!
Ka hel caawimo kala soocid qashin bogga www.sirkula.no
Halkan waxa aad ka heli kartaa hagaha kala soocida ee .pdf
Soo dajiso app -ka Min Renovasjon si aad kuugu soo sheegno xiliga qashinka la qaadayo moobiilkaaga
Sirkula IKS
Cinwaanka: Postboks 3, 2301 Hamar
Tilifoonka: 62 54 37 00
E-mail-ka: post@sirkula.no
Bogga internet-ka: www.sirkula.no